Ganacsade Ameraykan ah ayaa kooxda Chelsea ku iibsanaya $5.2 oo bilyan

Ganacsade Ameraykan ah ayaa kooxda Chelsea ku iibsanaya $5.2 oo bilyan

daajis.com:- Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ayaa xaqiijisay in shirkad uu hoggaamiyo Todd Boehly oo ah milkiilaha Los Angeles Dodgers ay kooxdu la gaartay heshiis ku saabsan iibsiga kooxda kubbadda cagta ee ka ciyaarta hroyaalka Premier League.

Kooxda fadhigeedu yahay garoonkaa Stamford Bridge ayaa bayaan ay soo saartay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegtay heshiiska 4.25 bilyan oo ginni oo u dhiganta ($5.2 bilyan), iyadoo heshiiskan uu ku xiran yahay oggolaashaha sharci ee uu ku hirgali karo.

"Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea waxay xaqiijineysaa in lagula heshiiyay lahaanshaheeda kooxda cusub ee uu hoggaamiyo Todd Boehly" ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas ku daray "Iibkan ayaa la filayaa inuu dhammaado dabayaaqada May, iyadoo ku xiran dhammaan ansixinta sharciyeynta ee lagama maarmaanka ah. Faah-faahin dheeraad ah ayaa la bixin doonaa wakhtigaas."


Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in dhammaan lacagaha kasoo baxa lagu ridi doono akoon banki ku yaalla UK oo ay xayiraadi saaran tahay ee milkiilaha Ruushka Roman Abramovich, kaasoo hadda ay saaran tahay cunaqabateynta dowladda Britain, isaga oo dhammaan lacagtaas dhammanteeda u bixin doona qaab samafal ah.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo saddex toddobaad uun ay ka harsan tahay shatiga shaqada ee naadiga, kaasoo dhacaya May 31-da.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada