Japan oo u wareegaysa tamarta Nukliyeerka si ay uga maaranto ku tiirsanaanta gaasta Ruushka

Japan oo u wareegaysa tamarta Nukliyeerka si ay uga maaranto ku tiirsanaanta gaasta Ruushka

daajis.com:-  Ra'iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in dalkiisu uu u wareegi doono isticmaalka tamarta nukliyeerka si ay u dhimaan ku tiirsanaanta shidaalka ay ka soo iibsadaan dalka Ruushka iyo wadamada kale.

Dalka Japan ayaa noqday mid aad ugu tiirsan gaasta uu ka soo iibsado dalka Ruushka, tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2011, xilligaas oo dalka Japan uu xidhay wersheddii tamarta nukliyeerka ku shaqayn jirtay ee Fukushima, ka dib dhulgariirkii xoogganaa ee dalkaas ku dhuftay, kaas oo sababay in wershedda uu dhaawac soo gaadho.

Ra’iisal wasaaraha Japan oo isu diyaarinaya doorashada dalkaas ka dhacaysa bisha July, ayay horyaallaan arrimo badan oo ay tahay inuu xal ka gaadho ka hor inta aan doorashada la gaadhin, waxaana qodobada ugu muhiimsan ka mid ah, inuu xakameeyo qiimaha tamarta ee sare u sii socda, taas oo saamayn ku yeelanaysa go’aanada ay gaadhayaan codbixiyayaashu.

Ra’iisal wasaaraha ayaa iibgeynaya xilligan in tamarta nukliyeerku ay noqonayso mid ka mida qodobada ugu muhiimsan siyaasadda tamarta ee dalka Japan.




Waxa uu sheegay in Japan ay wax ka qaban doonto sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho dhinaca tamarta ah, iyada oo la balaadhinayo meelaha uu dalkaasi tamarta ka helayo, sida kor u qaadida tamarta la cusboonaysiiyo iyo isticmaalka tamarta nukliyeerka.

Reuters






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada