Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Tel Aviv

Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Tel Aviv

daajis.com:- Labo nin oo falastiiniyiin ah ayaa weerar tooreey ku qaaday magaalo u dhow Tel Aviv xalay, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan saddex qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen kahor inta aysan ku baxsan baabuur, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Israel.


Ciidamada Booliska ayaa bilaabay baadigoob ay ku raadinayaan kooxihii dilka geystay, iyagoo jidgooyooyin dhigtay, waxaana baadigoobkooda qeyb ka ah diyaaradaha helicopter ah. Toogashadan oo ku soo beegantay maalinta xorriyadda Israa’iil, ayaa waxay ahayd tii ugu dambaysay ee weerarro dad badan lagu dilay oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka Israa’iil.

Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin ayaa sare u kacday maalmihii ugu dambeeyay, weerarrada Israa’iil, hawlgallo millatari oo ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo rabshado ka dhacay Quddus, halkaas ah goobtan oo uu ku yaalo Masjidka Al-Aqsa oo horaantii Khamiistii ay ka dhaceen qalalaase hor leh.

Alon Rizkan, oo ah dhakhtar ka tirsan adeegga samatabbixinta ee Israa’iil ee Magen David Adom, ayaa ku tilmaamay "wacitaan aad u adag" markii uu yimid Elad, oo ah magaalo u dhow Tel Aviv. Waxa uu sheegay in uu aqoonsaday saddex qof oo ku dhintay goobo kala duwan. Ugu yaraan afar kale ayaa ku dhaawacmay oo mid ka mid ah uu dhaawiciisu halis yahay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee ka taliya marinka Qaza ayaa bogaadiyay weerarkan, iayag oo la xiriiriyeen rabshadaja ka dhacay goobta barakeysan ee Qudus.


Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa booliiska ayaa sheegtay in ay jiraan labo nin oo weerarka soo qaaday, waxaana xalay saqdii dhexe ay booliisku sheegeen in ay wali baadi goobayaan kooxihii weerarka geystay. Waxayna shacabka ugu baaqeen inay ka fogaadaan goobtaasi, ayna kusoo wargeliyaan gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada