Laamaha Amniga degaanka Nambar-konton oo ka hortegay weerar kaga yimid Al-Shabaab

Laamaha Amniga degaanka Nambar-konton oo ka hortegay weerar kaga yimid Al-Shabaab

daajis.com:- Ciidamada Ammaanka Deegaanka Nambar-konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegay inay ka hortageen weerar kaga yimid dhinaca Xubno katirsan ururka Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan Saldhigyada Ciidamada ee degaankaas.

Maamulka degaanka Nambar-konton ayaa sheegay inay heleen xo ku saabsan weerarka kaga soo wajahnaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaal kooban oo ay la galeen ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen

Saraakiisha laamaha Amniga degaanka Nambar-konton ayaa sheegay in, iyaga  oo ka jawaabaya weerarka Al-Shabaab ay howlgallo baaritaanoa ah ka sameeyeen duleedka degaanka, si ay uga hortagaan weeraro kale oo kaga yimaada dhinaca Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhawaan Maamul Cusub u sameeyay degaanka Nambar-konton, waxaana degaankaas dhowr jeer weeraray Al-Shabaab, balse bilihii la soo dhaafay xaaladda degaanka ay aheyd mid wanaagsan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada