Madaxweyne Erdogan oo Shaaca ka qaaday hadal Niyad jab ku abuuray Finland iyo Sweden

Madaxweyne Erdogan oo Shaaca ka qaaday hadal Niyad jab ku abuuray Finland iyo Sweden

daajis.com:- Dowladda Turkiga ayaa wali si xooggan u diidan in dowladaha Sweden iyo Finland xubin rasmi ah ka noqdaan ururka Gaashaanbuurta NATO oo ay dowladda Turkiga xubin muhiim ah ka tahay.

Sweden iyo Finland ayaana gudbisay codsi ay ku dalbanayaan in ay kusoo biiraan Gaashaanbuurta NATO, hasa ahaatee Turkiga ayaa ka biyo diidan in labadaasi dal xubin ka noqdaan NATO.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan oo warfidiyeeno kula hadlay gudaha diyaarad uu madaxdeynaha kaga soo noqday dalka Azerbaijan ayuu si cad uga hor yimid in Sweden iyo Finland kusoo biiraan NATO.

Erdogan ayaa cadeeyay in Turkiga inta uu  madaxda ka yahay aanu marna ogolaan doonin in dowladaha taageero argagixisida ay ku soo biiraan Ururka Gaashaanbuurta NATO, kuwaas oo ula jeedo dalalka Sweden iyo Finland.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeesay dowladaha Sweden iyo Finland in ay taageeraan kooxaha kurdiyiinta ee xarumaha ku leh Ciraaq iyo Siiriya, kooxaha kurdiyiinta ayaana Turkiga u aqoonsan yahay kooxo argagaxiso ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada