Madaxweynihii Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa oo geeriyooday

Madaxweynihii Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa oo geeriyooday

daajis.com:- Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo ahaa 73 jir ayaa geeriyooday, sida ay ku warantay wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqday in ay jiri doonto 40 maalmood oo baroor diiq ah oo calanka lageynayo kala bar iyo saddex maalmood oo la xirayo wasaaradaha iyo hay’adaha rasmiga ah ee heer federaal iyo heer degmo iyo kuwa gaarka loo leeyahay,” ayay wakaaladu ku soo qortay Twitterkeeda maanta.

Sheikh Khalifa, oo la tacaalayay jirro dhowr sano, ayaa muddo dheer ka maqnaa howlaha maalinlaha ah, iyadoo walaalkiis, Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Mohammed bin Zayed, loo arkayay inuu yahay hoggaamiyaha is-beddelka.Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qofka bedelaya Madaxweynaha geeriyooday.

Sheekh Khaliifa, oo aan loogu arkin munaasabadaha iyo fagaaraha sannado badan, ayaa xilka kala wareegay aabihiis iyo aasaasihii Imaaraadka Carabta Sheikh Zayed 2004.


Toban sano ka dib waxa uu ku dhacay istaroog, taas oo ilaa iyo waqtigaas ka dhigtay mid aan indhaha bulshada laga arag.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada