Dowladda UK oo sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso inay amnigeeda kala wareegto ATMIS

Dowladda UK oo sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso inay amnigeeda kala wareegto ATMIS

daajis.com:- Wasiirka ciidamada ee dalka UK, James Heappey, ayaa booqasho ku tagay dalalka bariga Afrika ee ay Soomaaliya ku jirto, si uu ugala hadlo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka iyo dhismaha amniga Soomaaliya.

James Heappey ayaa booqashada uu ku tagay Soomaaliya waxay qeyb ka tahay, si ay UK uga caawiso dowladda Soomaaliya in mas’uuliyadda amniga ay kala wareegto ciidamada caalamiga ah.

UK ayaa siisa tababaro horudhac ah ciidamada Midowga Afrika (AU) ee ka socda wadamada saaxiibka la ah, xilli ay isku diyaarinayaan in ay ka taageeraan ciidamada Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale in ka badan 70 askari oo British ah ayaa ku sugan Soomaaliya, waxaana ay tababareen ku dhawaad 1,000 askari oo Soomaali ah iyo macalimiin si ay si ay uga caawiyaan dhisidda awooddooda.

Wasiir Heappey ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay ka wadahadleen sidii Soomaaliya ay horumar u gaari lahayd.




Waxa uu sidoo kale la kulmay oo uu la hadlay ciidamada Britain ee haatan ka caawinaya dib u habeynta laamaha amniga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada ATMIS Lt Gen Diomede Ndegeya oo uu kala hadlay caqabadaha ay la kulmaan.

Hawlgalka ATMIS-ta ee ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa dhawaan bedelay hawl-galkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay si loo sii ambaqaado howlgalka iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada