XOG-NISA oo lacag Afar dowladood laga keenay ku qeybineysa Muqdisho

XOG-NISA oo lacag Afar dowladood laga keenay ku qeybineysa Muqdisho

daajis.com:- Gudaha Hoteelada waa weyn iyo gadiidka aan xabaddu karin ee Buruufta ah waxaa lagu qeybinayaa lacag badan, oo xildhibaanada la siinayo. Waana Xaalka Muqdisho ee dhabta ah.

Lacagtaasi oo gaareysa meesha ugu yar ($70,000) Todobaatan kun oo doolar waxaa xildhibaanada badankood siinaya kutladda NISA oo uu hogaaminayo Korneel Cabdullahi Dheere oo taliyaha dabagalka ah, oo ay wehliyaan Yaasiin Cabdullahi Farey Taliyaha KMG ah ee hey’adda, Cabaas Yacqub, Liibaan Daahit iyo kuwo kale.

Saraakiishan ayaa xogta lagu helay in lacag bixinta u xil saareen ninka ma naxe ku asteysan ee Kornel Cabdullahi Daahir, waxaana ay dhamaantood xilligan ka soo horjeedaan doorashada Farmaajo, balse waxaa jah wareer uu ka taagan yahay musharaxa ay dhisayaan.

Lacagta oo afar dowladladood laga lala keenay, cadadkeeduna sareeyo halka ugu yar waxaa la sheegay in lagu bixinayo ($70,000). Waxaana si xowli ah howshan uga soctaa Hoteelada iyo gaadiidka aan xabadda karin ee Buruufta ah oo inta gaariga xildhibaanka la geliyo lacagta lagu dhex siinayo .

Korneel Cabdullahi Dheere oo xilligan hor boodaya qorshahan ayaa lagu sifeeyaa nin aan naxariis lahayn, dilaa ah, la shaqeeya CIA-da Maraykanka, marna loo yaqaanay File-ka Madow ee Farmaajo balse hadda waxaa uu si weyn uga soo horjeedaa in Farmaajo dib loo doorto.

Lacagtan oo kutladda NISA ula baxeen Sooryo siyaasadeed ayaa arinta la yaabka leh waxay tahay in xildhibaanada aysan wali ogeyn mushara loo codeynayo ee ay lacagta ku qaateen soo saaristiisa, waana xeelad ku cusub doorashada iyo siyaasadda Soomaaliya.


Sida xogta lagu helay waxaa lacagta laga keenay dowladaha Qatar, Imaaraad, Boqortooyada Burinaayo iyo Israa’iil, xildhibaanada la siinayo ayaana qaba wal wal badan, qaarkoodna in Marakanku arintan ku lug leeyahay ayay sheegeen.

Isugeynta guud ee lacagta laga keenay dowladahaasi ayaa gaareysa konton Milyon oo doolar waxaana intaasi dheer in Korneel Cabdullahi Dheere ay xildhibaanadu ka baqayaan oo aysan amarkiisa diidi kadin kadib lacag qaadashada.

Doorashada oo la qabanayo maalin kadib oo ku beegan Axad 15-ka bishan May, ayaa cabqadaha ay Kutladda NISA la kulantay waxaa kamid ah in Teendhada lala gali doonin lacag iyo Taleefan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada