Maxaa ka jiro in Somaliland ay Jabuuti u gacan galisay nin dhaliili jiray madaxweyne Geelle

Maxaa ka jiro in Somaliland ay Jabuuti u gacan galisay nin dhaliili jiray madaxweyne Geelle

daajis.com:- Ciidamada Somaliland ayaa xabsi ku yaala degmada Gabilay dhigay nin lagu magacaabo Aare Saleebaan Cowleed oo baraha bulshada si weyn uga dhaliila madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xariga ninkan waxaa xaqiijiyay Xamse Khayre oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo xabsiga ku booqday, isagoo xukuumada Somaliland uga digay iney ninkan mucaaradka ah u gacan galiyay dowlada Jabuuti oo uu ka soo cararay.

”Waxaan soo xaqiijinay in ninkaa gacanta Somaliland iyo saldhigga dhexe ee degmada Gabilay, ku jiro oo aan melena loo qaadin iminka sharcigeenuna ma oggala,” ayuu yiri mas’uulkan ka tirsan Xisbiga Wadani oo meesha ka saaray tuhunka la xiriira in ninkaasi dalka Jabuuti dib loogu celiyay.

Xarunta madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa iyana war ka soo saartay kiiska ninkan, waxeyna ka digtay in Somaliland ay ku kacdo fal lamid ah mid ay Jabuuti ugu dhiibtay 2014-kii muwaadin isaga soo cararay cabsi uu qabo madaxweynaha Jabuuti dartees


“Xaruuntu waxa ay ka walaacsan tahay xariga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xiran, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xaruunta Xuquuqul Insaanka Somaliland.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada