Sarkaal qaraxyada u qaabilsanaa Shabaab oo lagu qabtay magaalada Marko.

Sarkaal qaraxyada u qaabilsanaa Shabaab oo lagu qabtay magaalada Marko.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal gaar ah oo ciidamada amniga ay ka sameeyeen magaalada Marko, kaasoo la sheegay in lagu soo qabtay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Shabaab.

Sida wararku tilmaamayaan howlgalkan uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa lagu soo qabtay sarkaalkan oo xiligaasi diyaarinayay qarax miino uu doonayay inuu wado ku aaso, si shacabka loogu dhibaateeyo.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Sarkaalka hawlgalka lagu soo qabtay uu yahay Aweys Mayow Maxamed (Eelaay), Madaxii Qaraxyada Shabaab ee Magaalada Marka.

Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa sheegay in hoyga sarkaalkan ay ka soo saareen bambaanooyin iyo miinooyin uu doonayay inuu falal amni daro uga geysto xarunta gobolka Sh.Hoose ee Marko, iyadoo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Inkastoo saraakiishan ay warbaahinta u soo bandhigeen shaqsigan, hadana lama xaqiinin karo sax ahaanshaha sheegashadooda ee ah inuu ahaa madixii qaraxyada Shabaab ee magaalada Marko, iyadoo kooxda Shabaab aysan wali wax war ah ka soo saarin kiiskan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada