Sawirro:- Musharax Deni oo caawa arrin xasaasi ah kala hadlay Laftagareen

Sawirro:- Musharax Deni oo caawa arrin xasaasi ah kala hadlay Laftagareen

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland ahna musharax u taagan Madaxweynaha Somalia ayaa caawa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Laftagareen.

Kulanka oo ahaa mid saacad ka badan qaatay ayaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashada madaxweynaha Somalia ee beri ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo ayaa allbanaadir Online u sheegay in Deni uu ka codsaday laftagareen inuu ka taageero dhinaca doorashada, isagoo taas bedelkeed u sameeyey balanqaadyo kala duwan inkastoo aan la ogeyn in laftagareen uu aqbalay dalabka Deni iyo in kale.

Laftagareen iyo xildhibaanada K/Galbeed ayaa badankood waxay ka shaqeynayaan sidii mar kale uu kursiga ugu soo laaban lahaa Farmaajo, hase ahaatee Madaxweynaha K/Galbeed ayaa ka fekeraya musharaxa qorshaha labaad hadii uu guuldareysto Farmaajo.

Deni ayaa heysta codadka inta badan xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland, balse kuma filna inuu ku gaaro kursiga Madaxweynaha, wuxuuna u baah yahay codad kale si uu riyadiisa ku aadan Villa Somalia u xaqiijiyo.


Magaalada Muqdisho oo caawa uu dhaqan galay bandow ayaa waxaa ka socda kulamo adag oo ka socda xarumaha iyo hotelada ay degan yihiin musharaxiinta kuwaasoo la xiriira ololaha doorashada Madaxweynaha Somalia oo loona adag loogu jiro.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada