Sharci yaqaan ka hadlay dooda ka dhalatay kulanka Aadan Madoobe uu la yeeshay Taliyeyaasha ciidanka

Sharci yaqaan ka hadlay dooda ka dhalatay kulanka Aadan Madoobe uu la yeeshay Taliyeyaasha ciidanka

daajis.com:- Khalad wayn ayay ahayd in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe uu gudoomiyo shir ay iskugu yimaadeen saraakiisha laamaha amaanka Soomaaliya, sida uu sheegay Abuukaate Maxamed Maxamuud

“khalad ayay ahayd inuu gudoomiyaha Barlamaanka JFS Sheikh Aadan Madoobe gudoomiyo shir uu isugu yeeray laamaha amaanka” ayuu hoosta ka xariisay isaga oo intaasi ku daray in shaqadaan ay tahay tii golaha fulinta balse aysan ahayn tii sharci dajinta.

Abuukaataha ayaa sheegay in shaqadaan ay ka baxsaneed awooda Afhayeenka Baarlamaanka balse uu fahamsan in la taliyaal ay ku dhiiragalinayaan “in uu yahay madaxweynaha dalka” taasina ay baalmarsantahay shuruucda dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Waa qalad dhacay dastuuriyan, mala fadhiisan karo, ma samayn kartid wax dastuurka ka baxsan” ayuu hoosta ka xariiqay.

Hadalkaan saraakiisha sharciga ayaa yimid ka dib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka. Is-aragan wuxuu kusoo beegmay xilli waddanka uu iskudiyaarinayo doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya

Doorashadii guddoonka Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Aadan Madoobe ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii taliyaha booliska Jeneraal Xijaar uu isku dayey inuu dib u dhigo, taasi oo ay diideen ra’iisul wasaare Rooble iyo mucaaradka.


Ma cadda haddii saraakiisha ciidamada ay u hogaansami doonaan amarka Aadan Madoobe, ayada oo la ogyahay in intooda badan ay ku xiran yihiin madaxweyne Farmaajo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada