War Deg Deg :- Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la xanibay duulimaadyada diyaaradaha Muqdisho

War Deg Deg :- Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la xanibay duulimaadyada diyaaradaha Muqdisho

daajis.com:- Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la xanibay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Madaarka Muqdisho 48-ka saac ee soo socota.

Waxa la war geliyey madaxda shirkadaha diyaaradaha iyadoo loo sheegay in wixii caawa ka dambeeya aysan jiri doonin duulimaadyo lasameyn karo.

Iyadoo gabi ahaan la joojiyay duulimaadyada dibadda iyo dalka gudihiisa ee Garoonka Aden Cadde Airport sabab lagu sheegay doorashada berri dhaceysa awgeed.

“Laga bilaabo caawa 12-ka saqdhexe ma jiri doono wax duulimaad Ah Ilaa maalinta isniinta,ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha”.

Garoonka diyaaradaha muqdisho ayaa waxa uu ku yaallaa xeydaabka aadka loo ilaaliyo iyadoo hagarka Afisiyooni uu ku dhaw yahay madaarka,sidaas ayaana duulimaadyada loo joojiyey.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada