Wax ka ogow Doorashada iyo musharaxiin tartanka ka haray

Wax ka ogow Doorashada iyo musharaxiin tartanka ka haray

daajis.com:-Magaalada Muqdisho waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, iyada oo musharaxiinta, xildhibaannada iyo madaxda maamul goboleedyada ay u socdaan kulamo la xiriira codbixinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sabtida berri ah, oo ku beegan 15-ka May, ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan tartankeeda iska diiwangeliyay 39 musharax.

Musharaxa Dr. Cabbdinasir Cabdille Maxamed ayaa xalay farriin uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay inuu ka haray doorashada madaxweynaha, isla markaana uu taageri doono musharaxa kale ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waana musharaxii labaad oo ka hara tartanka loogu jiro Villa Somalia.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bayaan ay Talaadadii soo saareen ku faah-faahiyeen amniga teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaya waxayna sheegeen in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS, isla markaana guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn 'in wax hub ah lala soo galo maalinta doorashada.'

Guddiga ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in maalinta doorashada 'aan la oggoleyn in teendhada lala soo galo telefoonnada', iyaga oo kasoo qeybgaleyaasha ugu baaqay inay bannaanka uga soo tagaan telefoonnadooda.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada