Ciidamadda dowladda oo howlgal ku dilay Nin Miino aasayay.

Ciidamadda dowladda oo howlgal ku dilay Nin Miino aasayay.

daajis.com:- Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay ka sameeyeen gobolka Baay, kaasoo ay ku fashiliyeen Miino ay kooxda Shabaab ku aaseysay deegaano kamid ah gobolka, si shacabka ay ugu dhibaateeyaan.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay Degaanka Daynuunaay waxaa fuliyay ciidanka Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee ku sugan Gobolka Baay, iyadoo uu jiro khasaare ka dhashay howlgalkan.

Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka  LX/Le Daahir Macalin Cali ayaa sheegay iney toogteen nin kamid ah kooxda Shabaab kaasoo meel aan ka fogeyn saldhigga ciidamadda ku aasayay Miino, isagoo tilmaanay iney sidoo kale kala fur fureen Miinadii uu diyaarinayay oo ay fashiliyeen.

”Ciidamada oo Roondo ugu jiray sugida Amniga Dadka Iyo degaanka deynuunaay xilliga ay la kulmayeen Ninka Miinada Aasayay ee la dilay howlgalladana waa ay sii socon doonaan” ayuu yiri Taliyaha oo wariyayaasha la hadlay.


Si kastaba, majiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Shabaab oo ay uga hadlayaan howlgalkan ay ciidamadda dowladda sheegeen iney ku dileen xubin kooxdaasi ka tirsan, iyadoo deegaanka Deyniunaay ay kamid tahah meelaha ay Shabaabku go’doomiyeen ee ka tirsan deegaanada Koofur Galbeed.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada