Khadbaddii madaxweyne Xasan Sheekh ee calaama-saarkiisa oo qoraal ah

Khadbaddii madaxweyne Xasan Sheekh ee calaama-saarkiisa oo qoraal ah

daajis.com:- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta loo calaama-saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana xafladda caleema-saarka oo ka dhacay Teendhada Afisyooni kasoo qeyb galay madaxweyneyaasha Jabuuti, Kenya, Ra'isul Wasaaraha Itoobiya iyo wufuud kale oo caalami ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyay khudbo uu kaga hadlay qorshihiisa, waxayna u qorneyd;

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Guddoonka labada Aqal,
Ra’isulwasaaraha iyo xukumadda xilgaarsiinta,
Mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya
Madaxda iyo wakiillada dalalka aan walaalaha iyo saxiibbada nahay ee kasoo qeybgalay munaasabadan,
Madaxweynayaashii iyo R/wasaarayaashii hore ee dalka
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Rabbi SWT, kaddibna waxaan u mahadcelinayaa wakiillada shacabka Soomaaliyeed ee ah mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo mar kale igu aaminay hoggaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.


Waxaa sidoo kale farxad iyo sharaf weyn ii ah kasoo qeybgalka mugga iyo milgaha leh ee ay dalalka aan walaalaha iyo saaxiibka nahay uga soo qeybgaleen munaasabaddan caleemkasaarka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.


Dhowr iyo lixdankii sano ee ay Soomaaliya xorta aheyd, waxay qaadatay hannaanka dimoqraadiyadda, marka laga reebo 21 sano oo ay ciidanku ka talinayeen. Dhaqankaas qori isku dhiibka, waa mid ay ku faanaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhig u ah himilooyinka ay tiigsanayaan shacabkeenna sharafta leh.


MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN, MADAXDA SHARAFTA LEH:
22 sano kaddib markii dowladnimada Soomaaliya dib loogu soo yagleelay dalka Djibouti—madaxdeeda iyo shacabkeeda mahadi haka gaartee---, dalkeennu wuxuu maanta cagta saaray dhabbihii taabbagalinta dowladnimada iyo horumarka. Dhabbahaas waxaa saldhig u ah SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA’AH.



Marka aan ka hadalno SOOMAALI HESHIIS AH, waxaan ula jeednaa qodobbada soo socda:

Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xalliyo tabashooyinka la kala qabo Waxaan boogaadinayaa horumarka iyo degenaanshiyaha deegaanada Somaliland. Waxaan si gaar ah diiradda u saari doonaa, sii wadida wadahalada, iyadoo mar kasta laga jawaabayo dadkeenaas Soomaaliyeed inay helaan xaqa muwaadinnimo ee ay leeyihiin. Waxaan ka hortagi doonaa wax kasta oo caqabad ku noqon kara wadahalada iyo dib u heshiisinta, si ay dadkeenu iskugu dhawadaan.
Xasillooni siyaasadeed oo lagu gaarayo wadatashi, wada-oggol iyo wadajir ka dhaxeeya hoggaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah, iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo mar kasta la tixgalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.

Taabbagalinta hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeyo dowladnimada.
Taabbagalinta heshiiska bulsho ee ku suntan dastuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo isqancin iyo isku tanaasul.
Taabbagalinta hannaanka dimoqraadiyadda ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doona doorto, meel walbana laga dooran karo.

Dhismaha garsoor hufan, madax-bannaan isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.
Caddaaladdu waa udub-dhexaadka Soomaali heshiis ah.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN, MADAXDA SHARAFTA LEH:
Marka laga yimaaddo SOOMAALI HESHIIS AH, waxaa kaloo hiraalkeenna siyaasadeed jiheeye u ah mabda’a ku qotoma inaan DUNIDANA HESHIIS LA NAHAY. Himilooyinka dowladnimada ee ay tiigsanayaan shacabka Soomaaliyeed ma rumoobi karaan haddii aanaan dunidana heshiis la aheyn.

Dunida oo aan heshiis la nahay waxaa saldhig u noqon doona qodobbada soo socda:
Inaan dunida inteeda kale iska kaashano dhanka amniga. Si gaar ah, dalalka Geeska Africa maanta waxaa heysta culeysyo amni oo ka imaanaya kooxaha argagixisada ah, sida Al-Shabaab iyo Daacish. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah inaan isku-garabsano si aan iskaga caabinno cadowgaas, shacabkeennana u badbaadinno.
Inaan wanaajinno, isla markaana xoojinno xiriirka aan la leenahay dalalka dariska ah, kuwa walaalaha ah iyo kuwa aan saxiibbada nahay. In ka badan laba milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa maanta ku nool dacallada dunida, kuwaas oo kaalin lagu faani karo ka qaata dalalka ay ku nool yihiin.


Xiriirka ugu muhiimsan ee aan dunida la yeelan karno waa mid ku saleysan ganacsi iyo iskaashi dhaqaale. Dadka Soomaaliyeed waa kuwa lagu yaqaanno iney aad ugu fiican yihiin beec mushtarka, iyagoo dalal badan oo Africa, Bariga Dhexe iyo waliba Galbeedka ku leh ganacsiyo waawyen oo qeyb libaax leh ka qaata kobcint dhaqaalaha dalalkaas. Si gaar ah, waxaa yoolkeenu ahaan doona, xoojinta ganacsiga ka dhaxeeya dalka guud ahaan dalalka Africa, gaar ahaan kuwa Geeska Afria.
Waxaa iyana mabda’a aasaasi ah noo noqon doona siyaasad arrimo dibadeed oo dhexdhexaad ah, isla markaana aan ku dhex milmin loollanka caalamka ka jira. Soomaaliya waxay saaxiib la ahaan doontaa dal walba oo diyaar u ah inuu ixtiraamo madax bannaanida dalkeenna, iyo mid ahaanshaha gayigeenna.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN, MADAXDA SHARAFTA LEH:
Inkastoo dalkeennu sameeyay horumar ballaaran, haddana waxaa wali taagan caqabado aad u ballaaran oo u baahan inaan iska kaashanno. Sidaad la socotaan, waxaa haatan gobolka Geeska Africa ka jira abaaro ba’an oo halis ku ah boqollaal milyan oo qof. Soomaaliyana waxay u nugushahay abaartaas iyadoo lagaba cabsi qabo in meelaha qaar ah macluul ku dhufato.
Abaaraha ayaa noqday kuwa soo noqnoqda sannad walba. Waxaad mooddaa inaan u dhaxeynno lix bilood oo biyo dhaamin ah, iyo lix bilood oo aan la tacaaleyno fatahaado ka dhashay roobabka. Waxaan arrimahaas sabab u ah dhibaatooyin is-biirsaday, sida isbeddellada cimillada, burburka kaabayaasha dhaqaale iyo nuglaanta hey’adaha dowladda.

Marka la eego dhibaatooyinkaas, waxaa lagama maarmaan ah inaan iska kaashanno dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee ka hortagi karo abaaraha iyo fatahaadaha. Waxaa lama huraan ah inaan dhidibbada u aasno nidaamyo xoojin kara hey’adaheenna Gudaha, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya u adkeysiga ama u babac-dhigista (RESILIENCE) masiibooyinka dabiiciga ah. Sidaas daraadeed, anigoo ka faa’ideysanaya fursadan, dadka Soomaaliyeed ee daafaha dunida ku kala nool iyo caalamka, waxaan ugu baaqayaa kaalintooda inay ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu tabaaleeyeen, iyadoo diirada la saarayo abaartu ineysan isku bedelin macluul baahda.




MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN, MADAXDA SHARAFTA LEH:
Marka laga yimaaddo la tacaalidda musiibooyinka, waxaa sidoo kale himilooyinkeenna horseed u ah kobcinta dhaqaalaha dalkeenna. Howlaha hortabyada leh ee aan abbaari doonnno waxaa kamid ah inaan barnaamijka deyn cafinta, ee haatan maraya bar-dhexaadka loo yaqaanno (DECISION POINT), inaan gaarsiinno bartilmaameedkiis ah (COMPLETION POINT). Sida aan ku gaari karnana waa inaan si dhow ula shaqeynno hey’adaha dhaqaalaha dunida, sida Bangiga Dunida, Hey’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, iyo Bangiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) iyo sidoo kale dowladdaha iyo hey’adahooda lacagta nagu leh.
Waxaa kaloo qeyb weyn ka noqon doonta taabbagalinta barnaamijka deyn cafinta inaan adkeynno nidaamka maamulka iyo maaliyadda ee dalkeenna. Hufnaan iyo isla xisaabtan ayaana saldhig u ah guusha nidaamka maamulka maaliyadda, anagoo balaarineyna illaha dakhli ee dalkeena Alle ku maneystay kheyraadka kala duwan.
MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN, MADAXDA SHARAFTA LEH:
Dowladeyda waxaa lagula xisaabtami doonaa waxqabad. Dawladeydu waxay noqon doontaa mid dhegaysata oo ixtiraamta dadkeeda, oo kelliya dantooda ka shaqeysa.


Dimuqraadiyada waxaa iska leh shacabka, waxaanan ku dadaali doonaa inaan noqdo adeegge shacab oo intii karaankiisa ah u dhaweeya mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ayna mudan yihiin.
Waxaan kusoo gunaanadayaa mahadcelin ballaaran oo aan mar kale u jeedinayo shacabka Soomaaliyeed oo ay wakiilladoodu mar kale i saareen masuuliyadda ugu sarreysa dalkeenna. Yididiilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad ka tarjumeysa himilooyinkooda waa mid aan har iyo habeen ku shaqeyn doono, anigoo kaashanaya taageerada shacabka Soomaaliyeed.


Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynayaashii hore ee dalka oo maanta halkan nala jooga, isla markaana ahaan doona odayaal taladooda iyo tusaalohooda lagu shaqeeyo, iyagoo leh maamuuska iyo karaamada ay mudan yihiin.
Saaxiibbada Soomaaliya ee maanta halkan fadhiyana waxaan ka rajeyneynaa iney nagu gacan siiyaan inaan ka dhabeyno himilladeenna ku saleysan SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH.

Wabillahi Towfiiq.


Wasalaamu Caleykum waraxmatullahi wabarakaatuh






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada