Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Hiiraan

daajis.com:- Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maalintii labaad Hoghaaminaya howlgal ka dhanka ah Al-Shabaab , kaas oo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ka wadaan dhulka howdka ah ee kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan iyo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka ugu weyn uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka, waxaana howlgalka qeyb ka ah Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida oo u Hoggaaminayo Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Hiiraan Col isaaq Cali Cabdulle.

” Si Shacabka looga dulqaado haraadiga Al-Shabaab Maamulka Gobalka Hiiraan waxuu Juhdi badan ku bixinayaa sidii Dadka iyo deeganka looga xureeyn lahaa laguna soo celin lahaa xasiloonidii iyo horumarkii ay laha!yeen Shacabka ayaa yiri” Guddoomiye Jeyte.


Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Carabka ku adkeeyey sida ay muhiimka u tahaty in la helo amni lagana Adkaado Al-Shabaab si Shacabka ay u helaan kalsooni iyo adeeg dowladnimo, isla markaana howlgallada ay sii socon doonaan.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada