Ruushka oo ku xukumay dil labo ruux oo British ah iyo Mid Marookaan ah

Ruushka oo ku xukumay dil labo ruux oo British ah iyo Mid Marookaan ah

daajis.com:- Labo nin oo British ah iyo mid Marookaan ah oo la qabtay iyaga oo u dagaallamaya Ukraine ayaa maxkamad ku taal bariga Ukraine ku xukuntay dil toogasho ah.

Aiden Aslin iyo Shaun Pinner oo British ah iyo Brahim Saaudun oo Marookaan ah ayaa lagu eedeeyay inay calooshood u shaqeystayaal ahaayeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Maxkamadda, oo aan si caalami ah loo aqoonsan, ayaa ku taal waxa loogu yeero Jamhuuriyadda Donetsk ee taageersan Ruushka. UK iyo Ukrain ayaa cambaareeyay xukunnada ku saabsan jebinta shuruucda caalamiga ah ee lagu ilaalinayo maxaabiista dagaalka.

Qoysaska British-ka ah ayaa ku adkaystay inay yihiin xubno muddo dheer ka tirsanaan jiray millatariga Ukraine oo aanay ahayn calooshood u shaqeystayaal.

Qareenka raggan ayaa sheegay in dhamaantood ay rabaan in ay racfaan ka qaataan xukunka, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Russia ee Tass.

“Dhammaan saddexda nin waxaa lagu soo oogay inay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal, gacan-ku-dhiigle awoodeed iyo inay tababar ku qaadanayeen fulinta hawlaha argagixisada,” ayay tiri RIA Novosti.

War ka soo baxay Aqalka Downing Street ayaa lagu sheegay in Dowladda UK ay aad uga walaacsan tahay xukunnada dilka ah ee lagu riday Mr Aslin iyo Mr Pinner ayna sii wadayso inay kala shaqeyso Ukraine sidii loo sii dayn lahaa labada nin.

Afhayeen u hadlay UK ayaa intaa ku daray in maxaabiista dagaalka aan loo isticmaalin arrimo siyaasadeed wuxuuna farta ku fiiqay sharciyada dagaalka ee lagu dejiyay Axdiyada Geneva kaas oo siinaya xasaanad dagaal maxaabiista dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa cambaareysay xukunka oo ay ku tilmaantay xukun ceeb ah oo aan haba yaraatee wax sharci ah ku jirin.

Dhinaca kale, Kaaliyaha sare ee madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in 100 ilaa 200 oo askari oo Ukraine ah lagu dilayo jiidda hore maalin kasta.




Mykhaylo Podolyak ayaa sheegay in Ukraine ay u baahan tahay boqollaal hubka madaafiicda ah, si ay isaga caabiyaan Ruushka bariga Donbas. Waxa uu sidoo kale sheegay in Kyiv aysan diyaar u ahayn inuu dib u bilaawdo wadahadalka nabada ee Moscow.

Ciidamada Ukraine ayaa waxaa ku socda duqeymo aan kala joogsi lahayn iyadoo ciidamada Ruushka ay isku dayayaan inay la wareegaan guud ahaan magaalada Donbas.

Waxa uu ku celiyay codsigii Ukraine ee ahaa in hub dheeraad ah laga helo reer galbeedka, isaga oo sheegay in isku-dheellitirnaan la’aanta buuxda ee u dhaxaysa ciidamada Ruushka iyo Ukraine ay tahay sababta heerka khasaaraha badan ee Ukraine.

 






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada