dalka Bangladesh:- Illaa 49 qof oo ku dhintay dab ka kacay dalka Bangladesh

dalka Bangladesh:- Illaa 49 qof oo ku dhintay dab ka kacay dalka Bangladesh

daajis.com:- Saraakiisha dowladda Bangladesh ayaa Axadda maanta ah sheegay in ugu yaraan 49 qof ay dhinteen halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dab ka kacay xarun lagu kaydiyo koonteenarada la dhoofinayo, taas oo sababtay qarax aad u weyn. Konteenada dabku qabsaday ee qarxay waxaa ku jiray, qaar ay ka buuxaan kiimikooyin, waana kuwa khasaaraha ugu badan geystay.

Saraakiisha dalka Bangladesh ayaa sheegaya in tirada dhaawacu ay gaadhayso illaa 300 oo qof oo qaarkood ay xaaladoodu aad u daran tahay. Kooxo mutadawiciin ah oo ku hawlan gurmadka goobta dabku ka kacay ayaa sheegaya inay weli jiraan meydad ku jira xarunta gubatay, taas oo keeni karta in tirada dhimashadu ay intan ka badato.

Dabka ayaa gelinkii danbe ee Sabtidii ka bilawday xarunta lagu keydiyo konteenarada oo ku taalla magaalada Sitakunda oo ay yaallaan ilaa 4,000 oo koonteer oo intooda badan ay ka buuxaan dhar loo waday dukaamada dharka ee dalalka reer galbeedka. Xarunta ayaa ilaa 40 kilometres u jirta magaalada dekedda leh ee Chittagong ee ku taalla dhinaca koonfureed ee dalkaas.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada