Sucuudiga oo haweenka u ogolaaday inay xajka dalban karaan muxram la'aan

Sucuudiga oo haweenka u ogolaaday inay xajka dalban karaan muxram la'aan

daajis.com:- Dalka Boqortooyada Sucuudi Arabia ayaa ku dhawaaqay in haweenku ay hadda wixii ka dambeeya ay si toosa u dalban karaan ama isu diiwaan gelin karaan xajka iyada oo aanu la soconin qof muxram u ahi. Hadalkan waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbedello uu Sacuudigu ku sameynayay xeerarkiisa dhinaca xuquuqda dumarka, Sida in dumarku ay baasaboor qaadan karaan oo ay kaligood safri karaan, inay gawaadhida kaxayn karaan iyo in loo ogolaado inay haweenku qaban karaan illaa heer jagooyin xafiisyada dowladda ah.


Hadaba maxaa ugu wacan isbeddeladan iyo furfurnaanta dhinaca xuquuqda dumarka ah ee Sucuudigu la soo baxay? Maxamed Colaad Xassan Ayaa su’aashaa iyo kuwo kale weydiiyay. Maxamed Cali Biixi oo ka faalooda arrimaha carabta muddo dheerna ku noolaa dalka Sacuudiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada