Inkabadan 20 ruux oo ku geeriyootay dagaal qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Galgaduud

Inkabadan 20 ruux oo ku geeriyootay dagaal qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Galgaduud

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ku bilowday qaraxyo oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaan lagu magacaabo Baxdo oo ku yaala gobolka Galgaduud.

Deegaankan Baxdo ee la weeraray ayaa 90km u jiro magaalada Cadaado, waana deegaan hoos tago Cadaado oo aan weli loo aqoonsan degmo.

Sida wararku sheegayaan, ciidamada dadka deegaanka ee daacadda u ah culumada Ahlu Sunna ayaa iska caabiyay weerarka Shabaab, waxaana goobta ka dhacay dagaal socday mudo ka badan laba saacadood, iyadoo labada dhinacba ay helayeen gurmadyo kala duwan.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in Shabaabka weerarka soo qaaday la gaarsiiyay khasaare xooggan, sida wararka la helayo ay tilmaamayaan inkabadan 20 dagaalame ayaa looga dilay duulaankii saaka, waxaana deegaanka Baxdo lagu soo bandhigay meydad fara badan oo ay goobta uga tageen.

ciidamadda daacad u ah culamo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu barto diinta Islaamka ayaa iyaguna la sheegayaa in 5 ruux ay weerarka uga geeriyootay, halka dhaawacana uu 10 gaarayo, waxaana wali socda dhaq dhaqaaqyo ay sameynayaan dhinacyada dagaalamay, iyadoo ay jirto cabsi ku aadan in weerar rogaal celis ah la soo qaado.


Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey isugu dayday inay qabsato deegaanka Baxdo oo ah meel istiraatiiji ah, balse kuma guuleysan, waxaana wali la maqlayaa rasaas goos goos ah, iyadoo dadkii ay isaga barakeceen aqaladooda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada