Sarkaal ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka: 'muddo 16 sano ah, doorasho xalaal ahi kama dhicin Nevada'

Sarkaal ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka: 'muddo 16 sano ah, doorasho xalaal ahi kama dhicin Nevada'

daajis.com:- Sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Nevada ee dalka Maraykanka ayaa ku adkaystay in aanay gobolkiisa ka dhicin wax doorasho ah oo xalaal ah muddo ku siman 16 sannadood.

Jim Marchant oo hore u soo noqday xubin ka tirsan sharci-dejinta gobolkaas ayaa dhowaan sheegay in dhammaan dadkii ku guulaystay doorashooyinkii ka dhacayey gobolka Nevada tan iyo sannadkii 2006 inay ahaayeen kuwo ay dadka ku guulaystay doorashooyinkaas ay dhabarka ka taabteen kooxo saamayn leh oo si qota dheer ugu dhex milmay nidaamka dawliga ah.

Hase ahaatee toddobaadkan ayuu Jim Marchant wuxuu ku guulaystay in xisbiga Jamhuurigu uu u magcaabo inuu noqdo musharaxa xisbigaas ee jagada xoghayaha gobolka Nevada, oo boos aad u muhiim ah oo dusha kala socda arrimaha doorashooyinka gobolka, wuxuuna isla markiiba u dabbaaldegay guusha magcaabistiisa oo uu ku sheegay inay ahayd mid u dhacday si sharci ah.

“Aad baan ugu faraxsanahay taageerada baaxadda leh ee aad u muujiseen ololahayga. Dadka ku dhaqan gobolka Nevada waxay codkooda ku muujiyeen waxa ay rabaan” ayuu Jim Marchant ku soo qoray baraha isgaadhsiinta bulshada.

Is-waafajin la'aanta noocan oo kale ah ayaa noqotay arrin ay caado ka dhigtaan kooxaha ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee taageersan madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.


Tobanaan ka mida musharaxiinta ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee gobollada Nevada, Ohio, Pennsylvania, Texas iyo meelo kale oo raadinaya taageerada madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa inta ay ololaha ku jiraan waxay marar badan ku soo celceliyeen in doorashadii ka dhacday dalka Maraykanka sannadkii 2020 in lagu shubtay, iyaga oo shaki geliya ku kalsoonaanta nidaamka doorashada iyo qalabka codbixinta, hase ahaatee qaar badan oo ka mida musharaxiintaas ayaa ku guulaystay boosaskii ay u ordayeen ee xisbiga dhexdiisa, wax falcelin ahna kama bixinin dacaayadihii ay ololaha ku galeen marka ay guulaysteen.

Xubno badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ololaha ku gelaya inay samayn doonaan isbedello doorasho oo xooggan, si ay u adkeeyaan nidaamka codaynta.

Saraakiisha doorashooyinka heer gobol iyo heer federaal ee dalka oo dhan iyo weliba xeer ilaaliyihii guud ee uu magcaabay madaxweyne Trump ayaa hore u caddeeyey inaanay jirin wax caddaymo ah oo muujinaya in wax isdaba marin lagu sameeyey doorashadii ka dhacday Maraykanka sannadkii 2020. Hase ahaatee muddo laba sano ah, madaxweyne Trump iyo xubno ku dhowdhow oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa si joogto ah ugu celcelinayey in doorashadaas lagu shubtay iyo inaanu aammin ahayn qalabka doorashadu.

Haatan oo lagu guda-jiro tartanka is-reebreebka doorashooyinka la filayo inay dalka Maraykanka ka dhacaan bisha November ee foodda innagu soo haysa, waxaa caado noqotay in musharaxiinta doonaya taageerada madaxweynihii hore ee Trump, inay ku ololeeyaan dacaayadaha ka dhan ka ah nidaamka doorashada Maraykanka.

Tiro aad u badan oo ah shacabka Maraykanka ayaa lumiyey kalsoonida ay ku qabaan nidaamka doorashada, iyada oo ay ugu wacan tahay hadalada joogtada ah ee laga sheegayo nidaamka codaynta iyo qalabka lagu codeeyoba.

Ra’yi ururin la sameeyey ayaa muujinaysa in 45% oo keliya oo mida dadka qaangaadhka ah ee Maraykanku inay ayaa sheegeen inay kalsooni ku qabaan in si caddaalad ah oo sax ah loo tirin doono codadka doorashada heerka dhexe ee dalka Maraykanka ka qabsoomaya bisha November ee sannadkan 2022, halka 30% oo ka mida shacabka Maraykanka ee ra’yi ururinta ka qayb galay ay sheegeen inay xoogaa kalsooni ah ku qabaan nidaamka doorashada.

Marka la is barbardhigo labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga, waxaa muuqata in 66% oo ka mida taageerayaasha xisbiga Dimoqraadigu inay kalsooni buuxda ku qabaan nidaamka doorashada halka 24% oo ka mida taageerayaasha xisbiga Jamhuurigu ay sheegeen inay kalsooni buuxda ku qabaan sax ahaanshaha tirinta codadka doorashada.

Associated Press






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada