islamic republic of Iran oo dayax-gacmeed hawada u dirtay

islamic republic of Iran oo dayax-gacmeed hawada u dirtay

daajis.com:- Telefishanka qaranka Iran ayaa Axaddii maanta sheegay in Tehran ay hawada u dirtay gantaal, arrintaas oo keentay fal-celin ka timid Maraykanka. Arrintan ayaa imanaysa ka hor wadahadalada la filayo ee laga yeelanayo barnaamijka nuclearka ee Iran iyo quwadaha caalamka.

Ma cadda xiliga iyo goobta gantaalka laga ganay, hase yeeshee shaac-ka-rogidda ayaa timid ka dib makrii satellite-ka laga arkay diyaar garow laga sameynayey xarunta dayax gacmeedyada Khomeini ee ku taalla duleedka gobolka Semnan. Dhowr gantaal oo isla goobtan laga ganay ayaa horay u burburay.

Warbaahinta dawladda ayaa sii daysay sawirro muujinaya markii gantaalku dhulka ka baxayey. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo xiisadda barnaamijka nuclearka ee Iran ay kor u sii kacayso.

Iran ayaa horay u sheegtay inay qorsheynayso tijaabooyin dheeraad ah oo la xiriira gantaalada dayax gacmeedka xambaara, kuwaas oo markii ugu horreysay ay dirtay bishii February ee sanadkii hore.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada