Madaxweyne Xasan oo safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay Imaaraadka

Madaxweyne Xasan oo safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay Imaaraadka

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii ugu horreeyey ee tan iyo intii dib loo soo doortay ugu kicitimay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Sheekh Maxamed Bin Zaayid Bin Sultan Al Nahyaan oo ah madaxweynaha Imaaraadka Carabta sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadli doona xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal, fuddaynta isku socodka, ganacasiga iyo iskaashiga labada waddan.

Booqashadan madaxweyne Xasan ayaa qaadan doonta laba maalmood, waana booqashadii ugu horreysay ee uu madaxweynuhu ugu kicitimo debedda, tan iyo intii mar kale loosoo doortay bishii May 15-keedii ee sannadkan.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayey soo waajaheen dhibaatooyin dhinaca diblomaasiyadda ah kadib markii bishii Abriil ee sannadkii 2018-ka ay Soomaaliya qabatay lacag uu safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya uu soo gelinayey dalka taasi oo markii dambe la fasaxay bishii hore, iyadoo markii dambe lacagtaasi oo dhammayd 9 milyan iyo 600 kun uu Imaaraadka Carabtu ugu deeqay gurmadka abaaraha.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada