Dowlada Belgium oo 60 sano ka dib celinaya haraaga kali ah ee jirkii Patrice Lumumba

Dowlada Belgium oo 60 sano ka dib celinaya haraaga kali ah ee jirkii Patrice Lumumba

daajis.com:- Qoyska hogaamiyihii la dilay ee Congo Patrice Lumumba ayaa Jimcihii sheegay in ay rajeynayaan in ay ugu dambayntii laabaan bog xun oo taariikheed iyadoo gumaystihii hore ee Belgium uu isku diyaarinayo in uu soo celiyo haraagii ugu dambeeyay ee Lamumba oo ahaa geesigii xornimada ee dalkaasi.

Brussels ayaa lagu wadaa in Isniinta ay martigeliso xaflad rasmi ah oo dib loogu soo celinayo ilig-tii Lamumba oo ah waxa kaliya ee ka haray halyeygii gumaysi diidka ahaa oo ay 1961-kii dileen gooni-goosadkii Congo iyo calooshood u shaqeystayaal u dhashay Belgium.

Roland oo ah wiil uu dhalay Lamumba ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Belgium ka sheegay in qoyskiisu ay ugu danbeyn “soo afjari karaan murugadooda.”

“Ma dhihi karo waa dareen farxadeed, laakiin waa wax wanaagsan in aan aasno aabeheen.”

Kumuu ahaa Lamumba?

Lumumba oo ahaa nin aad u dhaleeceeyn jiray xukunkii qallafsanaa ee Belgium, ayaa noqday ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalkiisa ka dib markii uu xornimada qaatay 1960-kii.

Laakin waxa uu ka soo horjeestay gumaysigii hore ee Beljim iyo Maraykanka, iyadoo dhawr bil ka dib markii uu talada qabtay xilka looga qaaday afgenbi.

Waxaa 17-kii June sanadkii 1961-KII lagu dilay gobolka koonfureed ee Katanga, isaga oo ahaa 35 jir. Dilkiisa ayaa waxaa fuliyey kooxo Congese ah oo taageera ka helay calooshood u shaqeystayaal u dhashay Belgium.

Waxaa jirkiisa lagu gubay aashito, iyadoo aan dib loo arag.

Laakiin iligiisa ayaa waxaa billad ahaan u qaatay nin ka mid ahaa raggii dilka fuliyay oo ahaa askari ka tirsan booliiska Belgium.

Iligan ayay booliisku kala soo wareegeen gabar uu dhalay ninka booliiska ahaa oo lagu magacaabo Gerard Soete, ka dib markii qoyska Lumumba ay 2016-kii dacwad gudbiyeen.


Madaxa dacwad oogayaasha federaalka ee Belgium ayaa xaflad ay ka soo qeyb galayaan ra’iisul wasaaraha Belgium iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo dhacaysa Isniinta waxa uu si rasmi ah qoyska ugu wareejin doona iligta oo ku jirta sanduuq.

Dilka Lumumba iyo taariikhda arxan darrada ahayd ee xukunkii Beljimka ee Congo ayaa waxa ay ahayd mid mugdi ku haysa xiriirka labada dal.

Caruurta Lumumba ayaa waxaa qaabili doona Boqor Philippe oo Bishan booqday DR Congo si uu ugu muujiyo in uu “si aad ah uga qoomameynayo” xukunkii gumeysiga.

Taariikhyahanadu waxa ay sheegeen in malaayiin qof la dilay, la jarjaray ama ay u dhinteen cudurro intii uu Biljimku gumeysanayay Congo. Waxaa kale oo dalkaasi laga dhacay hantidiisii macdanta, alwaaxdii iyo fool-maroodiga.

AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada