Mucaaradka Somaliland oo sameystay ciidan hubeysan iyo cabsi laga qabo dagaal.

Mucaaradka Somaliland oo sameystay ciidan hubeysan iyo cabsi laga qabo dagaal.

daajis.com:- Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyay inuu jabiyay sharciga, qaadayna talaabooyin wax u dhimaya dastuurka Somaliland.

“Waxa uu keenay (Muuse Biixi) in uu sharci sameysto, sharci odhanaya anigu waa joogaya asxaabtana waa baabinaya, meel ay ku taallo ururo toos ah oo la furayo majirto. Waa aragteen in uu dad kiciyay oo magacyo la baxay oo ayaga aan sharci haysan ololeynaya,” ayuu yiri.

Injineer Waraabe ayaa qiray in madaxweynaha uu la soo baxay dhaqan cusub oo ah kala saarida ciidamadda, isagoo kuwa ilaaliya mucaaradka aanu u aqoonsaneyn jney yihiin ciidan qaran, sida uu hadalka u dhigay.

“Muuse Biixi waxa uu keenay in uu isku dayo in mucaaridka xabad la dhaco oo musharaxii xisbiga Waddani iyo ilaaladiisa in uu labo gaadhi mariyo, wuxuu keenay in ciidamadii kala saaro.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Talaabooyinkaas isbiirsaday oo lagu daray isku daygii dil ee musharaxa Wadani C/raxmaan Ciro ayuu tilmaamay iney keeneen iney ilaalo gaar ah sameystaan oo ay is hubeeyaan, isagoo ka digay in la carqaladeeyo amniga dalka iyo howlaha doorashada loogu diyaar garoobayo.

“Dhaqamadaas waxay keeneyn in uu ku dhaco is-difaac, oo halka yimaada dad hubeysan oo difaacaya asxaabta ayaa jooga. Dadka uu leeyahay waa beelo ee way difaacayaan waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka xanaaqay ficilka uu sameeyay.” ayuu Waraabe hadalkiisa ku soo xiray.


Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maayarka Hargeysa iyo Wasiir hore Warancade ay u istaageen xalinta khilaafka axsabta mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana jira warar sheegaya in Muuse Biixi uu albaabada ka soo xirtay dhinacyadan doonaya iney xal ku dayaan muranka, halkii gacan ka hadal la isla gaari lahaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada