Saraakiil loo xiray weerarkii Gaalkacyo ee wasiirka Arrimaha dibadda iyo Nabadoon Yaasiin.

Saraakiil loo xiray weerarkii Gaalkacyo ee wasiirka Arrimaha dibadda iyo Nabadoon Yaasiin.

daajis.com:- Xildhibaannada Puntland ayaa su’aalo ku saabsan Arrimaha Amniga weydiiyay mas’uuliyiinta amniga Puntland, iyadoo warbixin looga dhageystay xaaladda guud ee amaanka gobolada maamulkaas.

Wasiirka Amniga Puntland, ku-xigeenkiisa iyo Taliska Ciidamada oo Golaha Wakiillada hor tegey ayaa sheegey in magaalada Laascaanood siyaasad ahaan loogu soo celin la’ yahay gacanta Puntland; iyaga oo siyaasiyiinta gobolka Sool ku eedeeyey iin aysan ka go’nayn oo aysan qorshe siyaasadeed ka lahayn gobolka.

Mas’uuliyiinta Amniga Puntland oo kulan warbaahinta laga saaray xildhibaannadu su’aalo ku weydiiyeen ayaa dhinaca kale sheegey in dhacdadii Gaalkacayo ee lagu dhaawacay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad loo xirey saraakiil dowladeed.


Wasiirka waxa Kulanka ku wehelinayay labadiisa ku xigeen, Taliyaha Booliiska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf iyo Agaasime ku xigeenka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda PISA Maxamed Caseyr.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada