Xiisad ka taagan Hargeysa iyo ciidamo lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah.

Xiisad ka taagan Hargeysa iyo ciidamo lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah.

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka Xisbiyada mucaaradka ah ee Wadani iyo Ucid.

Xiisadan ayaa salka ku heysa qabsoomi doorashada madaxweyne ee Somaliland oo lagu balsanaa iney dhacdo 13-ka bisha November ee sanadan, Xukuumada ayaa dooneysa mudo kororsi halka mucaaradka ay ka diidan yiniin, iyadoo khilaafkaas uu sababay in gebi ahaanba uu burburay guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah ku soo daadisay xaafadaha qaar iyo wadooyinka muhiimka ah,si ay uga hortagto dibadbaxa ay qorsheeynayaan Xisbiyada Mucaaradka, waxaana lagu arkayaa meelaha qaar askar si aada u hubeysan oo wata gaadiidka ciidamada iyo kiwa shabaqlayaasha ee ay doonayaan iney ku xiraan dadka ka soo horjeeda awaamirtooda.

Ciidamadda Somaliland ayaa hore xabsiga u dhigay Mulkiilaha maqaayada Sima Cafeteria Ganacsade Axmed Sayid, maqaayadan waxaa xalay taageerayaashiisa kula hadlay C/raxmaan Cirro oo ah musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Wadani, isagoo sharci daro ku tilmaamay xariga ganacsadahaas.


“Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaah ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada