Askar u dhalatay dalka Uganda oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Sh.Hoose.

Askar u dhalatay dalka Uganda oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Sh.Hoose.

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS Ex-AMISOM lagula eegtay magaalo xeebeedka Marko ee xarunta gobolka Sh.Hoose, iyadoo qaraxan uu dhaliyay khasaare xooggan.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa qabsatay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada howlgalka u jooga dalka, iyadoo uu sabbay dhimashada Shan askari, iyadoo ay jiraan tro intaas ka badan oo dhaawacyo qaba oo loola cararay xarumaha caafimaadka.

Askarta dhimatay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa u dhashay dalka Uganda, iyadoo howlgalka ATMIS uu xaqiijiyay jiritaanka qaraxaasi xooggan, walow ay ka gaabsadeen iney faah faahin ka bixiyaan xadiga khasaaraha uu sbabaay.

Kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamadda ATMIS iyo jiritaanka dowladda Soomaaliya ayaa durba sheegatay mas’uuliyada weerarkan, iyadoo soo bandhigtay khasaaraha weerarkan.


Si kastaba, Howlgalka Midowga Afrika oo dalka ka socda mudo 15 sano ah ayaa dhawaan laga bedelay magacii hore ee AMISOM, iyadoo sidoo kale mudo kordhin loo sameeyay, waxa uu mudadiisii hore ku ekaa bishii December ee sanadkii 2021, waxaana haatan la gaarsiiyay ilaa 2024, sida lagu heshiiyay bishii 4-aad ee sanadkan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada