Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Madaxa hab-maamuuska ee xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Madaxa hab-maamuuska ee xafiiskiisa.

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Madaxa hab-maamuuska ee xafiiskiisa, isagoo xilakn u magacaabay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdillaahi Shariif.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, mas’uulkan cusub ayaa hore ula soo shaqeeyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, waana taas sababta soo dadajisay inuu xilkiisii dib ugu soo celiyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxa cusub ee hab-maamuuska ra’iisul wasaaraha Cabdullaahi Shariif ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gedo, iyadoo uu hordhac u yahay tiro dhalinyara ah uu ra’iisul wasaaraha u magacaabayo xilal kala duwan oo xafiiskiisa ah.

Xamse Cabdi Barre oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa haatan laga sugayaa magacaabista xukuumad, taasoo la horgeyn doono golaha shacabka, si ay codka kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan.

Xukuumadda cusub ayaa la filayaa iney ka soo muuqdaan xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka, si ay ugu fududaato iney si dirqi ah kaga gudubto baarlamaanka, si hore loogu sii amba qaado howlaha horyaala dowladda cusub ee ay majaraha u hayaan Xasan Sheekh iyo Xamse Cabdi Barre.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada