Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabistii ugu badneyd maanta sameeyay.

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabistii ugu badneyd maanta sameeyay.

daajis.com:- Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya oo todobaadkii hore si rasmi ah xilka ula wareegay toosna u shaqa bilaabay ayaa maanta sameeyay magacaabistii ugu badneyd.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale u magacaabay Afhayeenka Xukuumada Federaalka ahna Agaasimaha Warfaafin iyo Xiriirka Dadweynaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Farxaan Jimcaale ayaa hadda ah Tafaftiraha Telefishenka BBC SOMALI, iyadoo lagu wado inuu xilkan cusub la wareego bishan gudaheeda.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamse waxa uu magacaabay La Taliyeyaashiisa arrimaha Amaanka, Dib u heshiisiinta, Siyaasada iyo xiriirka caalamiga.

1- Cali Cabdi Awaare La Taliyaha Arrimaha Dib u Heshiisiinta.

2- Kamal Gutale La Taliyaha Amniga.

3- Dr Axmednuur Maxamed Cabdi La Taliye Sare Arrimaha Siyaasadda.

4- Dr Hodan Cusmaan La Taliyaha Xiriirka Caalamiga ah.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamse ayaa Xoghayaha joogtada ee xafiiskiisa u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr oo hore u soo noqday agaasimihii waaaarada Dastuurka.


Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale u magacaabay Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Abuukar Zubeyr oo soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada