Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Sidoo kale inta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay Turkiga, waxaa la sheegay inay u qorsheysan tahay inuu la kulmo hay’adaha samafalka ee ka jira dalka Turkiga, si caawinaad uu uga raadiyo dadka Soomaaliyeed ee abuuruhu ay saameeyeen.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga baxaayo tan iyo markii la doortay 15-kii May, wuxuuna horay safar qaatay shan cisho ugu tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo casuumaad uu ka helay.


Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada