Deni oo dib u magacaabay Maxkamadda-sare oo maanta ay diideen Baarlamanka Puntland.

Deni oo dib u magacaabay Maxkamadda-sare oo maanta ay diideen Baarlamanka Puntland.

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa iska diiday go’aankii baarlamaanka ay goordhow codka kalsoonida ugu diideen mas’uuliyiinta Maxkamadda-sare ee Puntland oo dhawaan uu madaxweyne Siciid Deni magacaabay.

Deni oo laga sugayay inuu soo bedelo xubnaha baarlamaabka ay maanta diideen ayaa isla iyagii dib u soo celiyay, taasoo muujineyso carada uu Deni ka qaaday go’aanka golaha wakiilada maamulkaas.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Deni uu goordhow soo saaray:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada