Madaxtooyada Soomaaliya oo soo bandhigtay qodobada uu Xasan Sheekh hordhigayo Erdogan.

Madaxtooyada Soomaaliya oo soo bandhigtay qodobada uu Xasan Sheekh hordhigayo Erdogan.

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Turkiga, kaddib markii uu casuummaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.

Labada madaxweyne ayaa si gaar ah ugu wada hadli doona xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, in la adkeeyo iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo waxyaabo kala.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyanaaaha Turkiga ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal, arrimaha amniga, diblumaasiyadda iyo mid dhaqaaleba.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay Turkiga la filayaa in uu booqdo xerada lagu tabbabaro ciidamada Soomaaliya ee halkaa tababarka u joogo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada