Doonyo hub sharci darro ah wada oo lagu qabtay xeebo ku yaala Puntland

Doonyo hub sharci darro ah wada oo lagu qabtay xeebo ku yaala Puntland

daajis.com:- Degaanada xeebaha ku yaal gobolka Barri Puntland ayaa waxaa ku soo badanaya bilihii ugu dambeeyey Doonyo si sharci daro ah u sida Hub kuwaas oo qaarkood la qabtey.

Degmada Bander Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar ayaa Jimcihii la soo dhaafey 1 July, 2022 waxaa ku soo caaryey labo doonyood oo hub sharci daro ah sidey.

Doonyahaan ayaa waxaa saarnaa 19 Naakhuude oo Sadex kamid ah ay yihiin ajanabi ah (Carab) halka 16 kale ay u dhasheen Somaali.

Qaar ka tirsan Hubkaan oo u badnaa qoryaha Ak47 ayaa waxaa uu gacanta u galay dadka shacabka ah halka intiisa badan wararku sheegayan in ciidamada amniga gaar ahaan kuwa PMPF gacanta ku dhigeen.

Qaar ka tirsan Saraakiisha amniga gobolka Barri gaar ahaan magaalada Boosaaso ayaa waxay  sheegeen in ay gacanta ku hayaan kooxda doonyahaan saarneyd kuna wadaan baaris.

Sarkaal ka tirsan amniga oo diidey magaciisa in aan xusno ayaa sheegey in Doonyahaan Hubkaan u wadeen magaalada Xarar-dheero oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab.

Dhinaca kale waxaa jira warar aan la xaqiijin balse dadka degaanka aad ugu qorayaan baraha bulshada oo xusaya in hubkaan uu keeney nin ganacsade ah ee la yaqaan kaas oo hubkaan iib ahaan ugu wadey kooxaha Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraha gobolka Barri ee Puntland.


Dowladda Puntland gaar ahaan Wasaarada Amniga war kama soo saarin dhacdadaan hubka lagu qabtey degmada Bander Bayla oo dhacda Badweynta Hindiya.

Degaanada hoostaga Puntland oo ku yaal degaan xeebeed dheer ‘ Badda CAS iyo Badweynta Hindiya” ayaa waxaam ku adag maamulka ka arimiya halkaas inuu Ilaaliyo guud ahaan taas oo sahasha iney ka soo dagaan kana dhoofaan waxyaabaha sharci darada ah.

Ka ganacsiga Hubka sharci darada ah ayaa bilihii ugu dambeysay ku soo kordhayey deganaada xeebta gobolka Bari Puntland taas oo wararku sheegayan iney ka shaqeynayaan kooxo isugu jira kuwa dhoofiya Tahriibta, ganacsato iyo qaar ka tirsan saraakiisha dowlada ee gobolka oo wax ka og arimahaan.

Qof la socda arimahaan ayaa  sheegey in kor u kaca ka baayacmushtarka Hubka ay sabab u tahay abaaraha dalka ka dilaacey, dagaalka Ukrain kuwaas oo sababey in maciishadii kor u kacdo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada