Ciidanka DANAB & kuwa Jubbaland oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka DANAB & kuwa Jubbaland oo howlgal qorsheysan fuliyay

daajis.com:- Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gàar ahaan Ururka 5aad Guutada 16aad iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheeysan saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Degaannada ay Ciidamada wadajirka ah howlgalka ka fuliyeen ayaa waxaa kamid ah, degaannada, Aar Aaree, Dhay Cabdi iyo Qurac Madoob, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidanka howlgalka fuliyay ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay dileen Saddex Xubnood Afar kalena ay dhaawaceen walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya warka kasoo baxay DANAB.

Sidoo kale saraakiisha Ciidanka Kumaandooska DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi soonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay kabsaarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada