Daawo: Somaliland oo BBC ka mamnuucday deegaannadeeda + sababta

Daawo: Somaliland oo BBC ka mamnuucday deegaannadeeda + sababta

daajis.com:- Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday in gebi ahaan deegaannadeeda ay ka mamnuucday laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da, waxaana arrintaas faahfaahiyey wasiirka warfaafinta oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeya deegaanada Somaliland laga joojiyey inay ka howlgashao warbaahinta BBC-da.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Idaacaddan in ay ku xad-gudubtay Qaranimada Somaliland, diidayne inay ugu yeeraan dal mdax bannaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii Somaliland, sida uu ku dooday wasiir Koore oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Hargeysa.

“Annagu iyadu aqoonsi kama rabno ee qaabka ay u shaqeyneyso ayey magacii Umadda reer Somaliland hoos u dhigtay sharaftoodii iyo karaamadoodii,” ayuu yiri wasiir Koore.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waxay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii jiritaanka ahaa ee ka dhexeeyey Ummadda reer Somaliland iyo BBC”.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka sare ee BBC-da oo ku aadan go’aanka kasoo baxay maamulka Somaliland.


Si kastaba, BBC-da oo ah warbaahin caalami ah ayaa marka ay ka hadleyo arrimaha Somaliland ugu yeerto Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida, taas oo ay muuqato inay dhibsatay xukuumadda Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso Ictiraaf.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada