Daawo: Sheekh Maxamed Idiris oo Xasan Sheekh iyo Xamza u sheegay dad ay tahay in talada laga ilaaliyo

Daawo: Sheekh Maxamed Idiris oo Xasan Sheekh iyo Xamza u sheegay dad ay tahay in talada laga ilaaliyo

daajis.com:- Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka jirta dalkeenna iyo dhaqanka inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo aad uu u dhaliilay.

Sheekha ayaa ka hadlay dhinacyo badan oo dhibaatada Soomaaliya ka jirta ah, sida abaaraha, amni darrada, hormar la’aanta, fatahaadaha, siyaasad xumada iyo musuqa ka jira Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Barre inay sidaan wax ka bedelaan oo talada dalka ay ka ilaaliyaan kuwii horay ugu fashilmay samata bixinta Soomaaliya.

“Waxaan la socdaa Muqdisho in biyo fadhiyaan, oo Bajaajtu mari weysay, dhulka kala xiran yahay, oo masaakiintu shaqa tegi weysay, waxaa inntaas u dheer abaarta dalka ka jirta, dadkeenu isbitaallada dunida ayuu cudurro la jiifaa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

Wuxuu u soo jeediyey dowladda inay xoogga saarto hal isbitaal oo looga maarmo caafimaadka ay dadka Soomaaliyeed u raadiyaan dunida kale.

“Xildhibaanada, wasiirrada iyo dhamaan madaxdeenu ma ogyihiin in dunidu aysan naga yeeleyn 20 sano Soomaaliya waxaba waa laga qaban waayey, waxna waa bedali kari waynay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadaan maanta masuul Soomaaliya ahay, waan ka xishoo lahaa inaan dunida hor tago oo dad kale la hadlo, iyadoo dalkeygu sidaan u egyahay, waa ceebownay oo adduunka waan ku ceebeysanahay.”

Wuxuu madaxda Soomaalida ku dhaliilay in markii ay xil qabtaan ay dalka isaga guuraan oo ilmaha degsadaan wadamada caalamka, isagoo taas ku tilmaamay fal aad u fool xun oo waaqica Soomaaliya aan ka turjimeyn.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay waxa uu ka yaqaano Sheekh Aadan Siiro oo dhowaan geeriyooday, isla markaana meydkiisa lagu aasay magaalada Hargeysa, wuxuuna la sheekeeyey qiimihii iyo waayihii faafintiisa diinta Islaamka ee marxuumka.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada