Mareykanka oo ka hadlay khasaaraha duqeyn uu Shabaab kula eegtay Jubbada Hoose.

Mareykanka oo ka hadlay khasaaraha duqeyn uu Shabaab kula eegtay Jubbada Hoose.

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay khasaaraha ka dhashay weerar dhinaca cirka ah oo diyaaradahooda ay ka fuliyeen deegaanka labikuus oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

War ka soo baxay taliska ciidamadda Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkan ay ku dileen laba kamid ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo meesha ka saaray in wax khasaare ah la gaarsiiyay dadka shacabka ah ee aagaasi ku sugnaa.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Mareykanka.

Warka ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Shabaab,iyagoo kaashanaya dowladda federaalka si loo baajiyo khasaaraha ay kooxdaasi gaarsiiso dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.


“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab. si ay uga hortagaan dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka kasoo baxay Mareykanka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada