Mareykanka oo $1.2 bilyan ugu deeqay Soomaaliya iyo dalal kale

Mareykanka oo $1.2 bilyan ugu deeqay Soomaaliya iyo dalal kale

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa Isniinti ku dhawaaqday in ay bixineyso lacag dheeraad ah oo gaareysa 1.2 bilyan oo dollar oo ah gargaar bani’aadannimo, taas oo ay ugu tala gashay dadka ay saameeyeen abaaraha daran ee hadda ka jira Geeska Afrika.

Samantha Power, oo ah madaxa Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo USAID, oo warkan ku dhawaaqday ayaa sheegtay in lacagtani lagu fan-gareyn doono gargaar cunto, xaaladaha deg degga ah sida lacago mucaawino kaash ah, tallaal iyo dawooyin la siin doono carruurta iyo dumarka aadka u xanuunsan iyo kuwa dayacan.

Waxay sheegtay in hadafka lacagtani ay tahay in looga hortago in Geeska Africa ay ka dhacdo macluul, iyada oo ku boorrisay dalalka caalamka oo uu ku jiro Shiinaha in ay gacan ka geystaan xalinta cunto-yarida ka dhalatay dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Samantha Power ayaa sheegtay in xaaladaha ugu daran ee abaarta ay ka jirto dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Waxay sidoo kale sheegtay in dhamaadka todobaadkaan ay booqan doonto Geeska Afrika si ay u qiimeyso xaaladda.

Abaarta ka jirta Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu sheegay tii ugu xumeyd oo gobolka ku dhufata ku dhawaad muddo 50 sano ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada