Madaxweynihii Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa oo dalkiisa ka cararay.

Madaxweynihii Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa oo dalkiisa ka cararay.

daajis.com:- Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Ninkan 73 jirka ah ayaa gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas (22:00 GMT), Bixitaanka Rajapaksa ayaa soo afjaraya xukunka qoyska tobnaan sano gacanta ku hayay talada Sri Lanka.

Wuxuu ku jiray dhuumaaleysi kaddib markii dad badan ay Sabtidii xoog ku galeen gurigiisa. Madaxweynaha ayaa hore u sheegay inuu is casilayo Arbacada 13-ka July.

Walaalkiis, wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa sidoo kale dalkaasi ka tegay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC-da. Waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Mareykanka.

Iyadoo warka bixitaanka madaxweynaha uu qabsaday dalkaas, ayaa waxaa is qabsaday mashxarad iyo dabaal deg ay sameynayaan dadkii dibad baxayay.

Xalay kumannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay beerta Galle Face Green, oo ah goobta ugu weyn dibadbaxa ee caasi,adda, Colombo. Habeenkii talaadada, kumaan qof ayaa ku sugaysay beerta in uu is casilo madaxweynaha.


Muddo bilooyin ah waxay la daalaa dhacayeen korontada oo si maalinle ah loo jaro iyo gabaabsiga waxyaabaha aasaasiga ah sida shidaalka, cuntada iyo daawada.

Madaxweynaha oo ku naaloonaya xasaanad inta uu xilka hayo, ayaa la rumeysan yahay inuu doonayay inuu dibadda u baxsado kahor inta uusan talada banneyn si uu uga fogaado suurto galnimada ah in uu xiro maamulka cusub.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada