Xasan Sheekh iyo Xamse oo kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalkii Boosaaso.

Xasan Sheekh iyo Xamse oo kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalkii Boosaaso.

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre kulan deg deg ahaa ay xalay ka yeeshay dagaalkii Boosaaso ka dhacay maalinimadii Isniinta ee u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan maamulka Putland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya waxaa goob joog ka eheyd gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo sabab u eheyd dagaalka, maadaama ay waday diyaarad gargaar siday oo aan lagu wargalin madaxweynaha maamulkaas, iyadoo diyaarada dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka duushay.

Xasan Sheekh iyo Xamse ayaa la sheegay iney la xiriireen madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni oo hadda dalka ka maqan, iyagoo cudurdaar la bixiyay dagaalki dhacay 11-kii bishan, isla mar ahaantaasina aanu dhacdadaasi u xumeyn xiriirka maamulka Puntland iyo dowladda federaalka oo maalmihii la soo dhaafayba ahaa mid aad u liita.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xasan ama ra’iisul wasaare Xamse midkood uu safar deg deg ah ku aadi doono deegaanada Puntland, si loo dajiyo xiisadii ka dhalatay diyaaradii gargaarka siday ee lagu celiyay garoonka Boosaaso, iyadoo dagaalka arrintaas ka dbashay ay ku naf waayeen ilaa 15 ruux oo 13 kamida ay askar ahaayeen, halka labada ruux ee kalana shacab ahaayeen.


Madaxda ugu sareysa ee dalka ayaa sidoo kale ku guuleyatay iney baajiyaan kulan ay xalay warfidiyeenka kuala hadli leheyd xildhibaan Sacdiya oo ay ku faah faahin leheyd dhacdadii Boosaaso, waxaana la rumeysan yahay in kulankaasi uu uga sii dari lahaa xaaladda haatan ee Boosaaso oo wali ay isku horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada