Urur goboleedka IGAD oo walaac ka muujiyay muranka xadka ee Itoobiya iyo Suudaan

Urur goboleedka IGAD oo walaac ka muujiyay muranka xadka ee Itoobiya iyo Suudaan

daajis.com:- Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay labada waddan ee Suudaan & Itoobiya inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda iyo inay si firfircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara looga gaaro arrinta ay isku hayaan.

Labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan waxay aasaaseen urur goboleedka IGAD, urur-ganacsiyeedka iyo ammaanka Bariga Afrika oo ka kooban siddeed waddan oo la aasaasay 1986kii.

8-da wadan ee IGAD ayaa kala ah Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Kenya, Somalia, Sudan, South Sudan iyo Uganda.

Horaantii Arbacadii, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale ugu baaqay Itoobiya iyo Suudaan inay is xakameeyaan oo ay bilaabaan wadahadal ku saabsan muranka soohdinta.

Itoobiya iyo Suudaan ayaa hadda midba midka kale ku eedeynaya “daandaansi” ka dhashay dhacdo dad lagu dilay xuduudda oo dhacday usbuucii hore.

Suudaan waxay go’aansatay inay dacwad rasmi ah u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Itoobiya, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ay go’aansatay inay si degdeg ah ugu yeerto safiirkeeda u fadhiya Itoobiya si ay wadatashi ula yeelato iyo inay u yeerto safiirka Itoobiya ee Khartoum si ay ugu wargeliso cambaareynta Suudaan.




Talaadadii, ciidamada Itoobiya ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay dileen toddobo askari oo Suudaani ah oo maxaabiis ahaa, taa beddelkeedana Suudaan waxay ku eedeeyeen in ay daandaansi millatari ka waddo Itoobiya.

Itoobiya iyo Suudaan ayaa muddo dheer ku muransanaa xuduudka Al-Fashaxa, oo ah dhul barwaaqo ah oo ay la degaan beeraley Itoobiyaan ah oo Suudaan ay ku andacooneyso in uu ku jiro xuduudkeeda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada