Ciidanka dowladda oo soo afjaray weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ee hotel Xayaat 30 saac kadib

Ciidanka dowladda oo soo afjaray weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ee hotel Xayaat 30 saac kadib

daajis.com:- Ciidamada ammaanka ayaa soo afjray weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ku gashay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaasoo oo bilowday fiidnimadii Jimcaha, waxaana hadda guud ahaan dhismaha hotelka la wareegay ciidanka ammaanka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaas oo ahaa midkii ugu wakhtiga dheera, in kasta oo tirada dhimashatu intaas ka badnaan karto, sida ay sheegayaan ilaha ammaanka.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale gaarsiiyay dhaawacyo intaa ka badan, waxaana laga soo badbaadiyay tobabbaan qof oo kale.

Isagoo ka hadlayay bannaanka hotel Xayaat, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, waxa uu warbaahinta u sheegay in howlgallada amniga lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay, isaga oo intaas ku daray in 106 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur laga soo badbaadiyay hotelka.

Waxa uu sheegay in wasaaradda caafimaadku ay faah-faahin ka bixin doonto tirooyinka khasaaraha weerarkan.

Ma cadda tirada rasmiga ah ee maleeshiyada Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Hotelkan iyo sida ugu fududaatay inay kusoo galaan, waloow weerarkan uu ku biloowday laba qarax oo ka dhacay bannaanka hore ee Hotelka.



Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle ayaa kusoo warramaya in goor dhaweyd oo saaka ah dhismaha hotelka oo uu bur-bur xoog leh ka muuqdo loo oggolaaday saxaafadda.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada