Fiqi oo qabsaday waqtiga ay dowladda ‘ku baabi’in doonto’ maxkamadaha Al-Shabaab

Fiqi oo qabsaday waqtiga ay dowladda ‘ku baabi’in doonto’ maxkamadaha Al-Shabaab

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo labo sano gudahood ah ay albaabada isugu dhufan doonto waxa loogu yeero maxkamadaha ay kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ka dhistay Shabeellaha Hoose iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi, oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa qiray in dadka qaar ay cadaaladda u doontaan maxkamadaha Al-Shabaab, maadaama laga aamin baxay nidaamka garsoorka dalka.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay in labada sano ee soo socota ay meesha ka saarto maxkamadaha noocaan ah ee ka howlgala Shabeellaha Hoose iyo Muqdisho.

Sida uu sheegay Fiqi, fulin la’aanta xukunada maxkamadaha dowladda ayaa sabab u ah in Soomaalida qaarkood ay cadaalad ka helaan maxkamadaha kooxda Al-Shabaab.

Waxa loogu yeero maxkamadaha kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa saameyn ku leh dalka Geeska Afrika, iyagoo mararka qaar dib u celiya go’aannada ay soo saaraan maxkamadaha dowladda.


Dad badan ayaa maxkamadaha Al-Shabaab u raadsada cadaalad si qarsoodi ah, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in maxkamadaha dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo musuqmaasuq ah oo qofkii lacag leh ku awood badan yahay.

Maxkamadahaan ayaa ah kuwa guurguura oo inta badan ka howlgala Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Dhexe, waana dhulka kaliya ee ay gabi ahaan gacanta ku hayaan ururka argagixisada ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayay balse wuu ku guul dareystay in uu dadka ka mamnuuco in ay u dhawaadaan maxkamadaha kooxda Al-Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada