Madaxweyne Cali Guudlaawe ” looma kala hari doono ka xureynta Al-Shabaab Degaanada Hir-Shabeelle”

Madaxweyne Cali Guudlaawe ” looma kala hari doono ka xureynta Al-Shabaab Degaanada Hir-Shabeelle”

daajis.com:- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu biyo dhaamin ka wado degaannadii dhawaan ay Al-Shabaab ka gubeen dadka rayidka ah guryihii ay deganaayeen kana duugeen Ceelashii Biyaha ee katirsan gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle marna uusan ka hari doonin xoreynta degaannada Hir-Shabeelle inta ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi kudaray in siwadajir ah ay u qalab qaadan doonaan in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan degaannada Hir-Shabeelle si looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan Shacabka.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada dowadda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada