Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee xalay?

Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee xalay?

daajis.com:- Waxaa xalay shir deg-deg ah iskugu yimid Golaha Wasiirada, kaas oo uu shir guddoomiyay Ra'isul Wasaaraha xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, waxaana kasoo baxay go'aanno uu Ra'isul Wasaaruhu ugu yeeray kuwa muhiim ah.

Waxaa go'aannadan ka mid ahaa; Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo sidoo kale magacaabista Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sido kale baaq ku aaddan gargaarka dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen u diray shacabka Soomaaliyeed kasta oo ay joogaan.

Guddigan gurmadka deg-degga ah oo uu hoggaamin doono Ra'isul Wasaaruhu waxaa sida lugu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra'isul Wasaaraha xubno ka ah;

1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta

3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

6. Wasiirka Maaliyadda

7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada

8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

10. Wasiirka Amniga Gudaha

11. Wasiirka Gaashaandhigga

12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha

14. Culimada Soomaaliyeed

15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

16. Ururada bulshada Rayidka







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada