Natiijada Doorashada Kenya oo goordhow lagu dhawaaqayo, Ruto oo hoggaanka haya

Natiijada Doorashada Kenya oo goordhow lagu dhawaaqayo, Ruto oo hoggaanka haya

daajis.com:- Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa hoggaaminaya natiijada tartan adag oo ay ku loollameen hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, sida ay Isniinta maanta ah muujiyeen natiijooyinka ay soo wariyeen warbaahintu, iyadoo ay socoto munaasabadda ku dhawaaqista qofka guuleystay.

Tirinta codbixintii Talaadadii hore oo si gaabis ah ku socotay ayaa walaac ka abuurtay dalkan ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika ee ay soo mareen taariikho dhow oo doorasho ay rabshado ka dhasheen ka dib markii lagu murmay.

Natiijadii 26% ee codadka ay sida rasmiga ah u tiriyeen guddiga doorashada ee Sabtidii la shaaciyay ayaa Odinga waxa uu haystay 54% codadkii la tririyay halka Ruto uu haystay 45%.

Hase ahaatee, tirinta ay sameeyeen Reuters iyo warbaahinta kale ayaa muujinayay in Ruto uu helay 51-52% codadka dadweynaha halka Odinga uu helay 48%.

Xarunta tirinta codadka ayaa waxaa buux dhaafiyay saraakiisha xisbiyada waxaana ka socda xafladda looga dhawaaqi doono qofka ku guuleystay jagada madaxweynaha xiga ee Kenya.

Musharraxa ayaa si uu u guuleysto laga rabaa in uu helo 51% codadka guud ee la dhiibtay. Hadii aanu jirin musharax ku guulaysta in ka badan 50% oo lagu daray hal cod, labada musharax ee ugu cad cad ayaa gali doona wareeg labaad oo doorasho cusub ah.


Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jira sidii ay ku noqon lahaayeen madaxweynaha beddelaya Uhuru Kenyatta, oo aan xilkan u tartami karin maadaama uu labadiisii muddo xileed dhameystay. Kenyatta oo ay isqabteen Ruto ka dib doorashadii u danbeysay ayaa hadda taageeraya Odinga.

REUTERS






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada