Qabiilka Uhuru ee Kikuyu oo ka shalaynaya go’aankoodii doorashada madaxweyne

Qabiilka Uhuru ee Kikuyu oo ka shalaynaya go’aankoodii doorashada madaxweyne

daajis.com:- Golaha Odayaasha Kikuyu, oo ah qabiilka uu ka dhashay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa qirtay inay kuu guuldarreysteen inay akhriyaan xaaladda siyaasadda gobolka Mount Kenya kahor inta aysan go’aansan inay taageeraan isbaheysiga Azimio la Umoja iyo musharaxooda madaxweyne ee Raila Odinga. 

Guddoomiyaha golaha Wachira Kiago ayaa sheegay in natiijada doorashada ee muujineysa in isbaheysiga United Democratic Alliance ee madaxweyne ku-xigeenka William Ruto uu si xooggan ugu guuleystay gobolka ay ku qasbeyso inay dib u fakaraan. 

“Waxaan qiraneynaa guuldarro balse ma dhaheyno waan khaldaneyn, sababtoo ah aqlabiyadda macnaheedu ma ahan in mar walba ay saxan yihiin,” ayuu yiri. 

Mr Kiago ayaa sheegay in odayaasha aysan hagin dareen iyo go’aanada halka loo badan yahay, balse ay qiimeeyaan xaaladda ayna go’aannadooda ku salleeyaan xikmad.

Waxa uu sheegay inay jiraan kuwo ku jeesjeesaya odayaasha sababo la xiriira inay qaateen mowqif siyaasadeed oo si xooggan ay u diideen una bahdileen cod-bixiyayaasha. 


“Waxaan dhahnay waxaan taageernay madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu noqdo boqorkeena xitaa marka uu xukunka ka dego, waxaana isku waafaqnay taageeridda Raila Odinga ee ah inuu noqdo musharaxa ku habboon inuu beddelo Kenyatta. Go’aankaas ayaa weli ah kii ugu xikmadda badnaa bulshadeena ayada oo aan la eegeyn natiijada doorashada,” ayuu yiri.

Sida haddu tahay xaaladda Mt Kenya, Dr Ruto iyo ku-xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa ku gacan sarreeya doorashadii 9-kii August ayaga oo kaga adkaaday Odinga iyo ku-xigeenkiisa Martha Karua.  

Natiijada ayaa bahdil ku noqotay Uhuru Kenyatta oo taageeraya Odinga, maadaama xitaa uu ka iibin waayey qabiilkiisa inay taageeraan, taasi oo wiiqday rajadii Odinga.

Mr Kiago ayaa sheegay in xaaladdan ay dimoqraadiyad ahaan tahay mid caadi ah “balse aysan macnaheedu aheyn mid xikmadeysan.” 

“Bulshadeena waxay qaateen go’aan dareen ku dhisan, mana noqon doonto waqti fog inta ay ka garwaaqsadaan oo ay arkaan qodobkeena,” ayuu yiri.

“Dadkeena waa ay arki doonaan dhowaan inay sameeyeen khalad weyn oo ay ruuxdooda ka iibiyeen Ruto ayna aayahooda ku aamineyn ayaga oo aan laheyn xisbi u gaar ah,” ayuu yiri.

Hadalladiisa ayaa waxaa ku waafaqay xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee, Jeremiah Kioni.

“Waxaan yareysanay saameynta Ruto ee gobolka Mt Kenya, halka codka u socdana wuxuu noqday lama filaan. Runtii, cadaaladdii iyo dhex-dhexaadnimadii bulshadeena waxaa qashinka ku daray been, khiyaano iyo laaluush ay faafiyeen kooxda Ruto,” ayuu yiri Mr. Kioni. 

Odinga ayaa kasoo jeeda qabiilka Luo, halka Ruto uu kasoo jeedo qabiilka Kalenjin ee madaxweynihii hore ee Kenya Danile Arap Moi. 

Qabiilada Kikuya iyo Luo ayaa weligood xifaaltami jiray, hase yeeshee Odinga iyo Kenyatta ayaa heshiiyey 2018 oo sameystay isbaheysi cusub, balse sida muuqata qabiilka Uhuru ee Kikuyu weli ma aysan ka tagin xifaaltankii.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada