Qoorqoor oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Qoorqoor oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Galmuudg, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku naf waayay iyo inta ku dhaawacantay weerarkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisadu ku qaadeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago dadka xaaladaha degdega ah ku jira, oo la tago isbitaalada si dhiig loogu caawiyo, waxuuna Eebbe uga baryay in uu u booga dhayo inta dhaawacantay, inta dhimatayna uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha argagixisada oo uu sheegay in aysan ukala soocneen bulshada, su isku mid ahna u beegsadaan, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo soo afjaro kooxdan caadeestay daadintan dhiigga maatida.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada